Wasiirrada amniga ee Kenya , Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku shiray Mandera

0
291

Waxaa ismaamulka Mandera gaaray madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki iyo xubno kale.
Waxaa halkaasi kulan ku yeeshay wasiirrada amniga ee dalalka dariska ah ee Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sidoo kale waxaa Mandera ku sugan safiiradda Ingiriiska ee Kenya Jane Marriott.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in amni darrada ay saameysay waxyaabo badan oo ay tacliinta ka mid tahay sidaasi awgeedna saddexda waddan ee xuduudda wadaaga laga doonaya inay iska kaashadaan ka hor tagga falalka wax u dhimaya xasiloonida guud.
Waxaa halkaasi lagu daahfuray mashruuc lagu xoojinaya amniga xuduudda Kenya , Soomaaliya iyo Itoobiya.