Wasiirkii hore ee maaliyadda oo maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah EACC

0
309

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka Ukur Yatani ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii la xiray Yatani balse waxaa uu ku doodaya in baaritaanka ku aaddan 1.2 bilyan oo shilin oo ay EACC sheegtay in la lunsaday uu yahay mid aan niyad sami ku saleysnayn.
Dacwadda cabashada ah ayay isaga iyo xaaskiisa , Dr. Gumato Yatani u gudbiyeen maxkamadda sare ee dalka.
Sidoo kale waxaa uu ku doodaya in howlgalladi laga sameeyay guriyihiisa ku kala yaalla xaafadda Karen ee Nairobi iyo ismaamulka Marsabit ay ahaayeen kuwo sharci darro ah.