Wasiirkii hore ee maaliyadda oo beeniyay eedeyn loo jeediyay

0
257

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Ukur Yattani ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn dhawaan uga timid hanti dhowraha guud Margaret Nyakang’o.
Dhawaan ayay ahayd markii ay haweeneydan sheegtay in Yattani uu sanadkii hore cadaadis xooggan ku saaray inay ansixiso adeegsiga lacag dhan 15 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate waxaa uu ku doodaya in taasi aynan sax ahayn oo eedeynta ay isaga u jeedisay ay tahay mid laga baaraan degay oo looga gol-leeyahay in sumcadiisa lagu dhaawaco.