Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay afar qof oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee wasaaradda dalxiiska Najib Balala .
Balala oo la soo shaqeeyay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa lala xiray xoghayihii hore ee wasaaradda dalxiiska Leah Gwiyo ,Joseph Odero oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda talabixinta arrimaha dhismooyinka ee West Consult Engineers iyo and Flora Ngina,maareeyihii hore ee ICT-da ee sanduuqa dalxiiska.
Afarta qof ayaa ku eedeysan khiyaano dhanka qandaraaska ah iyo in si aan habboonayn loo bixiyay 8.5 bilyan oo shilin taasoo la xiriirta dhisidda machadka lagu barto arrimaha dalxiiska ee Ronald Ngala Utalii College ee aagga Vipingo ee Xeebta dalka.
Machadkan ayaa horay loo yaqaanay Kenya Utalii College.
Afhayeenka guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC,Eric Ngumbi ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaasha la geyn doono maxkamadda qaabilsan dhageysiga kiisaska musuqmaasuqa ee deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Waxaa sidoo kale dacwado wajahaya saraakiil ka tirsan waaxyaha maaliyadda iyo soo iibsashada agabka ee wasaaradda dalxiiska dalka.
EACC ayaa laga soo xigtay in Najib Balala iyo tuhmanayaasha kale ay wajahayaan ilaa 10 dacwadood oo ku saabsan musuqmaasuq iyo dembiyo dhaqaale oo lagu lunsaday lacagaha dadweynaha.
Afhayeenka guddigan ayaa intaasi ku daray in shakhsiyaadkan la xiray ka dib markii uu baaritaannada ansixiyay agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka.
Baaritaannada ayaa lagu ogaaday in marar badan khiyaano la sameeyay iyadoo qiimaha la ansixiyay ee machadka dalxiiska dib loogu dhisaya oo ahaa 1.95 bilyan oo shilin laga dhigay 10.4 bilyan sida ku qeexan qoraal ka soo baxay golihii wasiirrada ee uu ka tirsanaa Najib Balala.




