Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo tagay xarunta DCI

0
323

Wasiirki hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Fred Matiangi ayaa saaka gaaray xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Matiang’i ayaa waxaa wehelinayay xildhibaanno iyo qareenno ay tiradoodu tahay 12 oo uu ka mid yahay Danstan Omari oo matalaya iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Eugene Wamalwa.
Waxaa laga doonaya inuu faahfaahin ka bixiyo howlgal uu bishii hore sheegay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi in kastoo dhammaan hay’adaha amniga ay beeniyeen inuu howlgalkaasi dhacay.
Matiang’i ayaa wadanka dib ugu soo laabtay Sabtidii hore ka dib safar qaatay labo toddobaad oo uu ku joogay Ingiriiska.