Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo maanta tagaya xarunta DCI

0
275

Wasiirki hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay inuu maanta iska xaadirin doono xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Waxaa arrintan xaqiijiyay qareenka wasiirkii hore oo lagu magacaabo Dunstan Omari .
Omari ayaa hoosta ka xarriiqay in Matiang’i uu goobta tagi doono hal saac ka hor xilligii la qorsheeyay .
Waxaa laga doonaya inuu faahfaahin ka bixiyo howlgal uu bishii hore sheegay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi in kastoo waaxda dambi baarista ee DCI, guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC, wasaaradda arrimaha gudaha iyo adeegga qaran ee booliiska ee NPS ay dhammaan beeniyeen in howlgalkaasi uu dhacay.
Micheal Sang oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliiska ayaa laga soo xigtay in haddii wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uunan ugu dambeyn 9:30 subaxnimo tagin xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista gacanta lagu soo dhigi doono.