Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Fred Matiangi ayaa lagu amray inuu maanta iska xaadiriyo xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI.
Waxaa laga doonaya inuu faahfaahin ka bixiyo howlgal maalmo ka hor la soo tabiyay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
DCI iyo adeega qaran ee booliiska ee NPS ayaa labaduba horay u beeniyay howlgalka ay warbaahintu tabisay.
Waaxda dambi baarista ayaa sheegtay in haddii Fred Matiang’i uunan isa soo xaadirin in loo aqoonsan doono amar diido sidaasi awgeedna dacwad lagu soo oogaya.