Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo dalka ku soo laabtay

0
259

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr.Fred Matiang’i ayaa habeen ka hor abaare 10-kii habeennimo wadanka dib ugu soo laabtay.
Tani ayaa timid ka dib safar qaatay labo toddobaad oo uu ku joogay Ingiriiska.
19-kii bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu Matiang’i u ambabaxay safar uu qareenkiisa Danstan Omari ku tilmaamay mid shakhsiyeed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dr.Fred Matiang’i uu abaare 10-ka barqannimo ee maanta iska xaadirin doono xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da si su’aallo looga waydiiyo howlgal uu 8-dii bishii hore sheegay in ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi in kastoo laanta dambi baarista , guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC, wasaaradda arrimaha gudaha iyo adeegga qaran ee booliiska ee NPS ay beeniyeen in howlgalkaasi uu dhacay.