Alle ha u naxariistee waxaa Maanta dalka Turkiga ku geeriyooday Wasiirkii hore ee wasaaradda Arrimaha dibadda ee wadanka Soomaaliya Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa la sheegay inuu xanuunsanayay Siyaasigan, balse ugu dambeyn Maanta u geeriyooday sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.
Alle ha u naxariisto Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa ayaa soo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen, wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda ee dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ururkii SNM ee sanadkii 1991-dii, waxa uu noqday Wasiirkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Somaliland, isaga oo ahaa aqoon yahan haystay shahaadada sare ee PhD.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa.