Wasiirka waxbarashada oo sheegay in barta KUCCPS ay sii shaqeyn doonto

0
175

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in barta waaxda qaabilsan in ardayda la geeyo jaamacadaha iyo machadyada wadanka ee (KUCCPS) ay sii furnaan doonto ilaa 4-ta bisha Saddexaad ee sanadkan.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in ardayda sanadkii hore u fadhiistay imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee KCSE-da ay fursad u helaan inay iska diiwaangeliyaan machadyada ay ku biirayaan.
Machogu ayaa arrinkan shaaca ka qaaday hal maalin un ka dib markii maamulka adeegga KUCCPS uu sheegay in muddada la kordhiyay aan la cayimin.
Wixii ka horreeyay 25-kii bishan Labaad ,waxaa barashada culuunta kala duwan codsaday 121,391 oo ah arday imtixaankii KCSE-da ee sanadkii hore ka soo hooyay buundada C+ iyo wax ka sarreeya.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 60.8% ee tirada guud ee ardaydii natiijadan helay.
Machogu ayaa ardayda codsiyada dirsanaya ee wajahaya caqabadda dhanka bixinta lacagaha ku boorriyay inay adeegsadaan *222# si ay u xaqiijiyaan inay lacagta laga doonaya bixiyeen.
Mudaddii hore ee uu qabtay adeegga KUCCPS ayaa ku ekayd shalay ,hasa ahaate wasiirka tacliinta ayaa shaaciyay in taariikhda kama dambeyska ay tahay 4-ta bisha Saddexaad.