Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa u xaqiijiyay waalidiinta iyo ardayda lagu wado inay ku biiraan jaamacadaha kala duwan ee wadanka ee bisha soo socota in aan qofna dib loo celin doonin qarashaad la’aan awgeed.
Mr.Machogu, oo ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka ee waxbarashada, ayaa sheegay inkasta oo boqolkiiba 30 ardayda sanadkan ku biiraya jaamacadaha ay codsadeen deeqaha waxbarasho ee dowladda, 70% aynan ka walwalin in la qaabili waayo.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday inuu soo saari doono wareegto ku socota madaxda jaamcadaha si loo hubiyo in ardayda aan dib loo soo celin.
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyada oo boqollaal arday oo jaamacadeed ay rajo ka qabaan oo ay safaf ugu jiraan lacagaha amaahda ee uu bixiyo guddiga HELB.
CS Machogu presented a detailed description of the New funding model and the expected challenges before the committee. He also reiterated on the steps and the duration of the application process for funds and the period students are expected to report to their institutions. pic.twitter.com/nKFll68iQW
— EduMinKenya (@EduMinKenya) August 24, 2023
CS Machogu was planked by Principal Secretary, University Education and Research, @Bettymuganda17, @KUCCPS_Official CEO, Dr. Agnes Wahome, @UFKenya CEO Dr. Geoffrey Monary and @HELBpage CEO, Dr. Charles Ringera. pic.twitter.com/aaWclGtsLK
— EduMinKenya (@EduMinKenya) August 24, 2023