Wasiirka waxbarashada oo sheegay in aan la beddelin xilliga fasaxa yar ee dugsiyada

0
320

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in uunan wax isbeddel ah ku imaan jadwalka dugsiyada waddanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in fasaxa kooban ee ardayda la siiyo ee xilli dugsiyeedkan uu billaaban doono berri oo ay taariikhdu tahay 26-ka bishan Lixaad ee June uuna ku egyahay Jimcada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-ka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in howlaha waxbarashada ee dugsiyada ay dib u billowdaan Isniinta, 1-da bisha Toddobaad ee July ee 2024-ka.