Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa mar kale arrin aan caqligal ahayn ku tilmaamay dalab ka yimid barayaasha wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ururka qaran ee macallimiinta ee KNUT uu dowladda ka dalbaday inay macallimiinta u sameyso mushaar kordhin ah boqolkiiba 60.
Hasa ahaate wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in aan mushaar kordhin la sameyn karin.
Waxaa uu go’aankan u aaneeyay sicir bararka dhaqaale ee dalka ka jiro.