Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa xarunta machadka horumarinta manaahijta waxbarasho ee KICD ku daahfuray xeerka cayaaraha ee dugsiyada .
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in dib u habeyn ballaaran lagu sameyn doono tartamada cayaaraha ee goobaha tacliinta.
Waxaa uu ballanqaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan wasaaradaha iyo waaxyahooda kala duwan si loo dhaqangeliyo xeerkan uu maanta shaaciyay.
Wasiirka ayaa ku celceliyay in wax ka beddelka howlaha cayaaraha ay tahay arrin la jaanqaadayso manhajka cusub ee waxbarashada ee loo yaqaano CBC oo diiradda saaraya in ardayda laga soo dhiso dhanka xirfadaha.