Wasiirka waxbarashada iyo wafdi ka socday safaaradda Jarmalka oo kulmay

0
366

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday safaaradda dowladda Jarmalka ay ku leedahay magaalada Nairobi.
Shirka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta dhanka aqoonta farsamada iyo tababarrada la xiriira.
Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in culuunta la baraya ardayda ay noqdaan kuwo ay kula jaanqaadi karaan baahiyaha ka jiro goobaha shaqo iyo kartida loo baahan yahay ee kobcinta dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu xusay in Kenya ay horumar ka gaartay dhinaca farsamada ka dib isbeddello la sameeyay oo looga gol-leeyahay in qofka uu is iskiis ah u shaqeysto.