Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa lagu wadaa inuu galabta ka soo hor muuqdo xildhibaannada baarlamaanka oo su’allo waydiin doono.
Mudanaha deegaan baarlamaaneedka Nyakach ee ismaamulka Kisumu ,Aduma Owuor ayaa doonaya in wasiir Machogu uu faahfaahin ka bixiyo nidaamka la adeegsado ee dugsiyada dalka loogu qaybiyo miisaaniyadda horumarinta kaabayaasha.
Sidoo kale waxaa uu wasiirka ka jawaabi doonaa su’aal ku saabsan lacagaha ay wasaaradda waxbarashada siiso dugsiyada.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi, Esther Passaris ayaa dhankeeda doonaysa in wasiir Machogu uu ka hadlo tallaabooyinka ay qaadaysa wasaaradda si loo xoojiyo waaxyaha talasiinta ee dugsiyada dowliga ah.
Sidoo kale wasiirka ayaa faahfaahin doono sababta ay dugsiyada qaar weli shahaadooyinkii KCSE-da u siin arday lagu leeyahay lacago aynan bixin xilligii ay xarumahan dhiganayeen.
Ezekiel Machogu ayaa sidoo kale faahfaahin doono halka uu maraya dhaqangelinta manhajka cusub ee CBC iyo tallaabooyinka lagu xaqiijinaya in nidaamkan lagu guulaysto.
Mudanaha deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa , Maxamad Cali ayaa dalbanaya in wasiirka waxbarashada ee dalka uu cadeeyo warbixinnada tilmaamaya in ardayda muslimiinta ah ee dhigta jaamacadda Daystar lagu qasbaya inay ka qayb galaan munaasabadaha kaniiseed tani oo liddi ku ah xuquuqdooda dastuuriga ah.
Dhanka kale wasiiradda jinsiyadda , dhaqanka , farshaxanka iyo hiddaha ee dalka Aisha Jumwa ayay abaare 3-da galabnimo ee maanta xildhibaannada baarlamaanka su’aallo waydiin doonaan.
Waxay faahfaahin doontaa isbeddello ay dowladdu ku sameysay qaabka loo bixiyo lacagaha lagu taageero ganacsiyada haweenka .
Sidoo kale waxay sharrixi doontaa sababta loo dhimay miisaaniyadda mashaariicda ay fuliyaan wakiillada haweenka ee ismaamullada ee (NGAAF) ee miisaaniyad sanadeedkan.
Aisha Jumwa ayaa ka jawaabi doonto su’aal ku saabsan lacagaha ay dowladdu u qoondeyso in gabdhaha ardayda ah loogu soo iibiyo suufka ay isku nadiifiyaan xilliga caadada.