Wasiirka waxbarashada dalka oo shaaciyaay waqtiga ay iskuulada xaadirayaan Ardayda fasalka koowaad ee dugsiga sare

0
784

Wasiirka wasaarada waxbarashada ee dalka Prof George Magoha ayaa maanta shaaciyay skuulada ay ku biirayaan ardadii dhawaan samaysay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka sedeedaad ee dugsiga hoose dhexe KCPE-da kuwaas oo ku biirayaa fasalka koowaad ama Form-1-Ka ee dugsiga sare.
Wasiir Magoha ayaa sheegay in ardygii ugu sareeyay ee imtixaanka KCPE-da kaas oo lagu magacaabo Bruce Magata Mackenzie uu ku biiri doono Dugsiga Sare ee Alliance.
Wasiirka tacliinta ayaana sheegay in xulashada ardayda Foomka 1-ka ee sanadkan loo qabtay qaab digital ah.
Waxaa uuna sheegay in ardayda ugu badan ay doorteen dugsiga sare ee Nanyuki kuwaas oo gaaray 156,003 arday ah balse iskuulkaas ayaa fursad u heystaa inuu qaato 400 oo arday kaliya ah.
38,797 arday ah ayaa sanadkani ku biirayaa dugsiyada qaranka ama National Schools, dugsiyada deegaanada ahna waxaa ku biirayaa arday gaaraysa 214,960,dugsiyada degmooyiinka ku yaala iyaguna waxaa ku biirayaa 726,311arday ah halka dugsiyada baahiyaha gaarka qaba waxaa loo meeleeyay arday dhan 2,045.
Prof Magoha ayaa dhinaca kale sheegay in 9,200 oo arday ah ay aadi doonaan dugsiyada dadweynaha ama public schools.
Wasiir Magoha ayaana ardayda ku biiraysa dugsiyada sare ee dalka ku amray inay iskuulada iska xaadiriyaan 3 bisha May ee sanadkaan 2022-ka.
Ardayda waxaa ay ku ogaan karaan iskuulada ay ku biirayaan fariinta gaaban oo ah 22263 iyagoona adeegsanayaa lamabrkii ugu diiwangashnaa imtixaanka KCPE-da ama Index Number.