Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa beeniyay in uu jiro xeer shakhsiyaadka isku jinsiga ah ee wax iska daya laguna tilmaamo laga roonayaasha looga hor istaagaya inay wax ka bartaan dugsiyada dalka ee leh qaybaha jiifka.
Magoha ayaa xusay in maamulayaasha dugsiyada ay eryaan keliya ardayda u kala wareega sariirraha.
Wasiirka ayaa sheegay in haddii aad tahay shakhsiga noocas ah aad uu baahan tahay in laga fasaxo dugsiga hooyga ah si aad ugu biirtid mid maalintii la dhigto.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay kuu fududeynayso inaad waalidkaaga ka ag-dhawaato maadaama ay iyaga mas’uuliyadda koowaad ka saaran tahay inay canugga la xisaabtamaan oo ayna la socdaan habdhaqankiisa.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii wasiirka waxbarashada ee dalka lagu dhaliilay go’aan uu arrintan ka qaatay
Wasiir Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in si khaldan loo fasiray hadal arrintan ku saabsan oo uu horay u jeediyay.
Waxaa uu ku adkeystay in xarumaha waxbarashada ee hooyga leh aanan laga qaabili karin ardayda laga roonayaasha ah balse uunan gebi ahaanba ka soo horjeedsan xuquuqda ay u leeyihiin inay waxbarasho helaan.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka ayaa ku dhawaaqay in macallimiinta maamuli doona fasallada hoose ee soo socda ay qaadan doonaan tababar cusub oo socon doona muddo 10 bilood ah.
Tani ayaa daba socoto hirgelinta manhajka cusub ee tacliinta ee CBC ee fasallada 7-aad iyo 8-aad.
Magoha oo booqasho ku tagay dugsiga sare ee gabdhaha ee Kapsabet, ayaa xusay in tababarkan uu socon doona inta u dhexeysa bishan labaad ilaa iyo Diseembar ee sanadkan.
Home Wararka Kenya Wasiirka waxbarashada dalka oo beeniyay inuu jiro xeer laga roonayaasha looga mamnuucay...