Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday AUN fanaankii Caanka ahaa ee Maxamed Aadan Shamuuri, oo la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka Waabari oo xalay Muqdisho ku geeriyooday.
Wasiirka wasaarada warfaafinta dowlada Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay inuu Maxamed Adan Shamuuri ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kalena leh dabeecad fiican iyo dad la dhaqan wanaagsan.