Wasiirka tamarta oo hor tagaya aqalka sare

0
351

Wasiirka wasaaradda tamarta iyo macdanta John Munyes ayaa la filayaa inuu ka soo hormuuqdo guddiga aqalka sare u qaabilsan arrimaha tamarta.
Munyes ayaa ka jawaabi doono su’aalo ku saabsan sababta loo kordhiyay qiimaha shidaalka noocyadiisa kala duwan.
Senetarrada ayaa doonaya in ay ogaadaan sababta keentay in wax ka badan 10 mar la kordhiyay canshuurta la xiriirta batroolka.
Tani ayaa timid ka dib markii senatarka ismaamulka Vihiga George Khaniri uu aqalka sare u soo gudbiyay walaac arrinkan ku aaddan.
Kal-fadhiga wasiirka tamarta ee dalka su’aalaha lagu waydiin doono ayaa billaabanaya 11-ka barqanimo ee maanta.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Kenya ay tahay dalka marka la eego wadamada bariga Afrika ay aad u sarreyso canshuurta la xiriirta shidaalka.