Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay inuu ka war helay in shan arday ay shalay ku dhinteen deegaanka Ainabkoi.
Dhacdadan ayuu ku tilmaamay mid nasiib darro ah maadaama ay ku soo beegantay keliya labo cishe ka hor inta aynan ardaydan u fadhiisan imtixaanka KCPE-da.
Machogu ayaa xusay in isagoo matalaya wasaaradda tacliinta uu tacsi tiiraanyo leh u diraya qoysaska, ehellada iyo asxaabta carruurtan.
Waxaa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay arday dhigta fasalka 6-aad ee dugsiga hoose dhexe oo la soo badbaadiyay ka dib markii ay doonta gadoontay kaasoo la geeyay isbitaalka si loo daaweeyo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ardaygaasi la daaweeyay oo isbitaalka laga saaray si uu u sameeyo imtixaanka Grade 6 ee KPSEA.
Wasiirka waxbarashada ee dalka ayaa sheegay inuu kaashanaya dhigiisa arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki si baaritaano qoto dheer loogu sameeyo dhacdadaasi.
Waxaa uu xusay in marka baaritaannada la soo gabagabeeyo la qaadi doono tallaabada habboon.
Wasiirka ayaa dhanka kale waalidiinta, ehellada carruurta mas’uulka ka ah iyo macallimiinta ugu baaqay inay ubadka ka ilaaliyaan meelaha ay naftoodu khatarta ku geli karto gaar ahaan xilliyada imtixaannada qaran.
Wasiir Machogu ayaa sheegay in iyadoo ay baaritaano socdaan uu dugsiga ay arrintan saameysay , qoysaska iyo si guud bulshada ugu baaqaya inay is dejiyaan.
Ezekiel Machogu ayaa bayaankiisa ku soo gabagabeeyay inuu dhammaan kenyaanka u xaqiijinaya in dowladdu ay qaadaysa tallaabooyinka loo baahan yahay si loo badbaadiyo ardayda u fadhiisanaya imtixaannada qaran.