Wasiirka tacliinta oo soo dhisay golaha jaamacadda Meru

0
291

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa magacaabay guddoomiyaha iyo xubnaha golaha jaamacadda Meru.
Waxaa golahan hoggaamin doonto Dr. Jane Kiringai .
Machogu ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay magacyada xubnaha golaha maamulaya jaamacadda Meru waxayna kala yihiin Janet Afandi, Martin Kinoti, Jacob Kwaba, Lucy Rimanto iyo Sylvester Kinyor .
Shakhsiyaadkan ayaa shaqeyn doono muddo Saddex sano ah laga billaabo maanta.
Tani ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii uu wasiirka tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu uu xubnaha golaha jaamacadda Meru ku wargeliyay inuu gabagabo yahay muddo xileedkooda oo ku ekaa shalay.
Dhanka kale senatarrada aqalka sare ayaa wasiirka waxbarashada ka dalbaday inuu baaritaano ku sameeyo dugsiyo badan oo laga furay xaafadaha South B iyo South C ee magaalada Nairobi.
Tabitha Mutinda oo aqalka sare si magacaabid ah ugu biirtay ayaa sheegtay in labadan xaafadood ay leeyihiin dugsiyada ugu badan ee sida gaarka ah loo leeyahay oo qaarkood ay ku dhex yaallaan meelo la deggan yahay.
Mutinda ayaa ku doodaysa in tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii hore la furay in ka badan 200 oo ah dugsiyo gaar ah.
Hasa ahaate wasiirka tacliinta ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa sheegay in dugsiyo badan ay si sharci darro ah ku shaqeeyaan in kastoo marar badan lagu wargeliyay in xarumahan la xiro.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in 13 ka mid ah xarumaha tacliinta ee xaafadda South C ee magaalada Nairobi ay ku yaallaan meelo la deggan yahay halka South B tiradan ay tahay afar.