Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay inay sharci darro tahay in la garaaco ardayda dhiganaya dugsiyada wadanka.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan uu soo qaban qaabiyay golaha imtixaannada qaran ee (KNEC).
Wasiir Machogu ayaa carrabka ku adkeeyay inuunan marnaba oggolaan doonin inuu sii socdo garaaca loo gaysta ardayda.
Waxaa uu wasiirka ka falcelinayay garaac ay macallimiintiisa kula kaceen arday dhiganayay fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee Nyabisia oo ku yaalla ismaamulka Kisii taasoo keentay inuu ka dhaawacmo dhanka xubnaha hoose ee jirka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ardayga lagu helay khiyaano dhanka imtixaanaadka ah kadibna uu macallinka ku amray inuu u raaco xafiiska , markii uu diidayna uu ardayga dhibaateeyay.