Wasiirka tacliinta oo sheegay in dhismaha fasallada CBC lagu soo gabagabeyn doono muddo labo toddobaad

0
245

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in hirgelinta wajiga labaad ee fasallada loogu talagalay manhajka tacliinta ee (CBC) uu gabagabo marayo.
Waxaa uu tilmaamay in dowladda ay labo toddobaad gudahood ku dhameystiri doonto fasallada dhiman ee CBC.
Magoha ayaa xusay in mashruucan boqolkiiba 82 la dhameystiray.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ilaa iyo hadda la dhameystiray in ka badan 2,500 oo ka mid ah 3,500 oo fasal tan iyo markii wajiga labaad ee mashruucan la daahfuray horraantii bishii hore.
Waxaa uu mas’uuliyiinta waxbarashada ee ismaamuullada ugu baaqay in ay dardargeliyaan howlaha dhismaha ee fasallada CBC.
Wajigii 1-aad ee mashruucan ayaa waxaa la dhisay 6, 500 oo fasallo ah guud ahaan dalka.
Madaxweynaha dalka ee xilka sii banneenayo Uhuru Kenyatta ayaa horay u sheegay in dugsiyada dowladda laga hirgelin doono ilaa 10,000 oo ah fasallo loogu talagalay hannaanka tacliinta ee CBC oo la rumeysan yahay inuu ardayda ka soo dhisaya dhanka xirfadaha.