Wasiirka tacliinta oo sheegay in ardayda sameeyay KCPE ay dhammaan u gudbayaan dugsiyada sare

0
445

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof.George Magoha ayaa shaaciyay in dhammaan ardayda u fariistay imtixaanka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee wadanka ay u gudbi doonaan dugsiyada sare.
Waxaa uu wasiirku hoosta ka xarriiqay in dhammaan ardayda ay u qalmaan inay ku biiraan fasalka koowaad ee dugsiyada sare .
Waxaa uu ku celceliyay in fursaddan ay ka faa’iidaysanayaan xita ardayda lagu helay khaladaad dhanka imtixaanka ah oo aan maaddooyinka qaar natiijo ka soo hooyin.
Prof. Magoha ayaa intaasi ku daray in wasaaradda tacliinta ee dalka ay diyaarisay tallaabooyin lagu xaqiijinayo in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare.
Waxaa uu macallimiinta iyo waalidiinta uga mahadceliyay inay si dhow u wada shaqeeyeen oo imtixaanka shahaaddiga uu qabsoomay xita iyadoo cudurka COVID-19 uu carqaladeeyay jadwal sanadeedkii xarumaha waxbarashada wadanka.