Wasiirka tacliinta oo shaaciyay xilliyada imtixaannada qaran

0
346

Wasiirka xafiiska banneynaya ee waxbarashada Prof. George Magoha ayaa shaaciyay in imtixaanka fasalka Siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da la billaabi doono 28-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Waxaa uu sheegay in saxidda imtixaanka qaran la soo gabogabeyn doono bisha 12-aad ee Diseembar si natiijada loo shaaciyo 23-ka bisha koowaad ee sanadka 2023-ka.
Prof. Magoha ayaa macallimiinta imtixaannada sixi doono ugu baaqay inay wada shaqeeyaan isagoo u ballanqaaday in si degdeg ah lacagahooda loo siin doono.
Wasiirka ayaa dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto ku ammaanay oo uga mahadceliyay inuu guddi u saaray dib u eegista manhajka waxbarashada ee CBC.
Magoha ayaa sheegay in dowladda ay maalgashi ballaaran ku sameysay hannaanka CBC oo la dhisay 10,000 oo fasallo ah guud ahaan wadanka.
Waxaa uu dowladda ugu baaqay inay soo saarto lacagaha la siinaya qandaraasleyda fasalladan dhisay maadaama lagu qoondeeyay miisaaniyadda.
Dhanka kale xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT,Collins Oyuu ayaa dowladda ka codsaday inay macallimiinta u sameyso mushaar kordhin ah boqolkiiba 60.