Wasiirka tacliinta oo raaligelin ka bixiyay hadal la qoonsaday

0
563

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa bulshada muslimiinta iyo si gaar ah gabadh wariye ah ka raaligeliyay hadal uu maalmo ka hor jeediyay oo la dhibsaday.
Tani ayaa timid ka dib markii cadaadis xooggan lagu saaray inuu raaligelin bixiyo.
Magoha oo qaar ka mid ah hoggaamiyaasha muslimiinta kula kulmay xarunta waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegay inuu aad uga qoomamoonayo hadalka ka dhacay ee gafka ahaa.
Waxaa tallaabada uu qaaday wasiirka, warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha dalladda qaran ee hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee (NAMLEF) Sheekh Cabdullahi Cabdi.
Hadalka la dhibsaday ayaa ahaa inuu suxufiyadda ku yiri haddii aad matalaysa Al-Shabaab su’aasha kaagama jawaabaya taasoo loo arkay mid uu ku bartilmaameedsaday si wayna looga falceliyay.