Wasiirka tacliinta oo ka hadlay isbeddel lagu sameeyay maamulka Jaamacadda KU

0
615

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof.George Magoha ayaa sheegay in dowladda dhexe aynan ka laaban doonin go’aan si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay maamule ku xigeenkii Jaamacadda Kenyatta University , Paul Wainaina.
Magoha ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan jirin doonin dulduleel dhanka maamulka ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay sugayaan in maxkamadda ay dhageysato oo ayna go’aan ka soo saarto dacwad la gudbiyay oo looga soo horjeedo shaqo ka joojintii Wainaina iyo qayb ka mid ah dhulka Jaamacadda KU oo dowladda lagu wareejinaya si mashruuc caafimaad looga hirgeliyo.
Wasiirka ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Thika ee ismaamulka Kiambu xusay inuusan jirin garsoore wax ka beddeli karo xaqa ay dowladdu u leedahay in dhulkeeda ay sida ay doonto u adeegsato iyadoo bulshada loogu daneynaya.
Waxaa uu ku celceliyay in howlaha jaamacadda aan loo hakin karin kiis maxkamadda hor yaalla .
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in muranka arrintan ku saabsan ay la tiigsanayaan maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court .
Prof. Paul Wainaina ayaa si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay ka dib markii sida la sheegay uu ka soo horjeestay in qayb ka mid ah dhulka Jaamacadda KU laga dhiso xarunta la tacaalidda xaaladaha degdegga ee hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) .
Magoha ayaa xusay in maamule ku xigeenka laga doonayay inuu dowladda kula gorgortamo in qaab lacageed loogu gudo dhulka ay bixiyeen.
Dacwadda arrintan ku saabsan ayay maxkamaddu dhageysan doontaa 27-ka bishan Toddobaad.