Wasiirka tacliinta oo digniin u diray maamulayaasha dugsiyada

0
456

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maamulayaasha dugsiyada uga digay inay soo eryaan ardayda iyagoo u aaneynaya inaysan dhameystirin lacagaha laga doonayo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare u qoondeysay miisaaniyad ku filan.
Magoha oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Kisii ayaa xaqiijiyay in xarumaha tacliinta ay lacagaha loogu talagalay heli doonaan dhammaadka toddobaadkan.
Waalidiinta ayuu ku boorriyay in kastoo uu jiro culeys dhaqaale inay haddana bixiyaan qarashaadka inta ay awoodaan.