Wasiirka tacliinta ee Kenya: Laga billaabo sanadkan keliya labo maaddo ay qasab noqon doonaan marka la qiimeynaya natiijada guud ee ardayga

0
515

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaacisay nidaam cusub oo ah darajooyinka imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee (KCSE).
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu kordhiyo tirada ardayda ee ku biiri karo machadyada farsamada.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Mr. Ezekiel Machogu, ayaa sheegay in laga billaabo sanadkan keliya labo maaddo ay qasab noqon doonaan marka la qiimeynaya natiijada guud ee ardayga.
Maadooyinkan ayuu ku kala sheegay xisaabta iyo mid ka mid ah luuqadaha sida Ingiriiska , Sawaaxiliga ama luuqadda ishaarada /wax lagu miidaaro.
Waxaa uu sheegay in horay la eegi jiray ilaa shan maaddo oo saddex qayb ka kooban.
Machogu ayaa intaasi ku daray in marka laga soo tago labada maaddo ee qasabka ah in golaha qaran ee imtixaannada ee KNEC uu eegi doono shan kale oo uu ardaygu natiijo wanaagsan ka soo hooyay.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inay socoto dib u eegis la xiriirta natiijada laga doonaya ardayda ku biiraya barashada culuunta macallinimada.
Wasiirka ayaa dhanka kale digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay saameyn ku yeelato habsami u socodka imtixaannada.
Waxaa uu dhammaan saraakiisha loo xil saaraya ugu baaqay inay waajibaadkooda sida habboon uga soo baxaan isagoo carrabka ku adkeeyay in aan marnaba loo dul qaadan doonin falalka khiyaanada ama wax isdaba marinta ee imtixaanaadka.