Wasiirka shaqaalaha oo shaaciyay in Dubai ay ka bannaan yihiin 600 oo ah shaqooyinka kaxeynta mootada

0
359

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ku sheegay in magaalada Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta ee UAE-da ay ka bannaan yihiin fursado shaqo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in halkaasi looga baahan yahay 600 oo ah wadeyaasha mootooyinka.
Mutua ayaa xusay in saraakiisha Imaaraatka ay toddobaadka dambe imaan doonaan magaalada Nairobi iyo deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi si wareysiyo loola yeesho shakhsiyaadka doonaya in ay fursadahan ka faa’iidaystaan.
Wasiir Mutua ayaa dhawaan sheegay in tan iyo markii dowladdu ay daahfurtay barnaamij kenyaanka shaqooyin looga raadinaya qurbaha in ay fursado shaqo heleen 5,931 qof.