Wasiirka magacaaban ee isgaarsiinta oo shaaciyay qiimihiisa hantiyeed

0
360

Eliud Owalo oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo dhaqaalaha dijitaalka ah, ayaa qiimaha hantidiisa guud ku sheegay 645 milyan oo shilin.
Waxaa uu Owalo xusay in hantidan ay isugu jirto guriyo uu ku leeyahay ismaamullada Nairobi iyo Siaya oo qiimahoodu yahay 190 milyan , dhul qiimo ahaan dhan 200 milyan oo shilin iyo afar baabuur oo isku ah 15 milyan oo shilin.
Sidoo kale waxaa uu cadeeyay inuu leeyahay maqaaxi qiimaheedu yahay 80 milyan iyo ganacsiga beeridda geedaha oo uu ku sheegay 160 milyan oo shilin.