Wasiirka magacaaban ee beeraha oo oo difaacay go’aan ay dhawaan dowladda meesha ka saartay

0
347

Wasiirka magacaaban ee beeraha Mithika Linturi ayaa difaacay go’aankii ay dhawaan dowladda meesha uga saartay xayiraad jirtay tan iyo sanadkii 2012-kii oo ahayd in aan wadanka la soo gelin dalagyada lagu soo saaray isbeddello casri ah oo la adeegsaday (GMOs).
Waxaa uu Linturi hoosta ka xarriiqay in aynan jirin cilmi baaris rasmi ah oo caddeynaysa in galleyda noocan ah ay waxyeello u gaysan karto aadanaha.
Waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda ee arrintan ku aaddan uu ku yimid cunno la’aan.
Hasa ahaate waxaa durbaba u jawaabay xildhibaanka deegaanka Matungulu ee ismaamulka Machakos Stephen Mule oo sheegay inay jirto cilmi baaris ay sameysay shirkad laga leeyahay Faransiiska taasoo lagu ogaaday waxyeellada GMOs.
Linturi ayaa dhankiisa arrintan gaashaanka u daruuray isagoo sheegay in cilmi baarista ay tahay mid laga laabtay.
Waxaa uu intaasi raaciyay inaysan jirin dowlad aan dani ka lahayn dadkeeda oo u keenaysa wax caafimaadkooda saameynaya.
Mithika Linturi oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay wasiirka beeraha ayaa carrabka ku adkeeyay inuu wajahaya ilaa 35 dacwadood oo maxkamadaha yaalla.
Waxaa uu ku doodaya inuu yahay dhibbanaha nidaam garsoor oo aan caddaalad ahayn.
Sidoo kale waxaa uu iska beeniyay eedeyn ahayd inuu farsameeyay dokumeentiyo si uu amaah lacageed u helo.