Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka John Mbadi ayaa cambaareeyay rabshadaha siyaasadeed ee isa soo taraya ee ka socda ismaamulka Homa Bay ka dib toogashadii lagula kacay xildhibaanka deegaanka Kasipul Charles Ong’ondo Were.
Isagoo ka hadlayay aas ka dhacay deegaanka Gwassi ee Koonfurta Suba, ismaamulka Homa Bay, Mbadi ayaa ku booriyay hay’adaha baarista inay si dhaqso ah gacanta ugu soo dhigaan kuwa mas’uulka ka ahaa dilka mudanaha.
Xildhibaanka ayaa dabley aan heybtooda la garan fiidnimadii Arbacadii waxa ay ku dileen agagaarka Isgoyska City Mortuary ee magaalada Nairobi.
Mbadi waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Degaanada Kasipul iyo Ndhiwa inay yihiin meelaha ugu darran oo ay ka socdaan xurgufta siyaasadeed.
Home Wararka Kenya Wasiirka maaliyadda oo walaac ka muujiyay rabshahada siyaasadeed ee ka jira ismaamulka...