Wasiirka maaliyadda oo maanta baarlamaanka u gudbinaya qorshaha miisaaniyadda

0
272

Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 2:30 galabnimo ee maanta uu xarunta baarlamaanka tago wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u.
Wasiirka ayaa baarlamaanka ka hor akhrin doono miisaaniyad sanadeedka dowladda dhexe ee 2023/2024-ka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill 2023 oo ay shalay xildhibaannada u codeeyeen uu u gudbay akhrinta saddexaad.
Maamulka madaxweyne William Ruto ayaa maanta soo bandhigaya miisaaniyad uu qiimaheedu yahay 3.6 Triliyoon oo shilin.