Wasiirka maaliyadda oo ka hadlay ku tagriifalka dhaqaalaha qaranka

0
603

Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka John Mbadi ayaa sheegay in dalka uu soo galo dhakhli badan balse la lunsado ama lagu tagriifalo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qiyaastii muddo hal sano ah uu diiradda saarayay in isbeddelo lagu sameeyo waaxyo kala duwan.
Mbadi oo wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in isbeddelo lagu sameeyay bixinta qandaraasyada , xeerarka, maareynta hantida, maareynta lacagaha howlgabnimada , uruurinta dakhliga , shaqaaleysiinta iyo geeddisocodka miisaaniyadda.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadweynaha ay cabasho ka muujiyaan lunsashada kheyraadka qaran.
Mbadi ayaa tilmaamay in warbixinta uu maanta la wadaagi doono baarlamaanka ay tahay mid ku saleysan isbeddellada la sameeyay .
Wasiirka ayaa xusay in ay caqabad kala kulmaan dheellitirka deymaha sarreeya , qarashaadka ku baxa howlaha dowladda oo kordhaya iyo baahida loo qabo kheyraadka iyadoo dhanka kale kenyaanka ay rajeynayaan in aan cashuur dheeraad ah laga qaadin.
John Mbadi ayaa sheegay in ay qasab tahay in la dardargeliyo kobac dhaqaale oo waara.