Wasiirka maaliyadda ee Mombasa oo la xiray

0
386

Waxaa lagu soo warramayaa in xabsiga loo taxaabay wasiirka wasaaradda maaliyadda ee ismaamulka Mombasa ahna sarkaalka sare ee waaxdaasi Evans Oanda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hadda lagu hayo xabsiga Industrial Area ee ismaamulka Nairobi.
Mas’uulkan ayaa ku eedeysan dafiraadda amar maxkamadeed.
31-dii bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii garsooraha maxkamadda sare ee dalka J. Ngaah uu soo saaray warqadda waaranka ah ee lagu soo xiraya Oanda.
Waxaa codsigaasi maxkamadda geeysay shirkadda bixisa adeegyada dhanka sharciga ee Murage Juma and Company Advocates oo matalaysa shirkadda agabka baabuurta ee Associated Automobile Distributors Limited.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirka maaliyadda ee ismaamulka Mombasa Evans Oanda maanta maxkamadda la soo taago si uu uga jawaabo sababta dowlad deegaankaasi uu ugu guul darreystay bixinta amaah dhan 17.7 milyan oo uga maqan shirkadda Associated Automobile Distributors Limited.