Madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro ayaa beddelay wasiirka maaliyadda .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhanka kale wasiirkii maaliyadda ee Colombia Ricardo Bonilla uu is casilay.
Waxaa uu is casilay isagoo dhanka kale ku adkeysanayay in uunan leexsan lacagaha wakaaladda Colombia u qaabilsan maareynta musiibooyinka.
Waxaa uu xusay inuu xafiiska banneynaya isagoo isku kalsooni oo dambi baarayaasha u sheegaya in ugu dambeyn ay ku qanci doonaan inuunan codad ka iibsan guddiga kongareeska ee qaabilsan howlaha maaliyadda.