Wasiirka ku meel gaarka ah ee arrimadda dibadda Iiraan iyo madaxa Xisbullah oo wada hadlay

0
353

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Cali Bagheri Kani ayaa xaaladda ka taagan Qaza kala hadlay madaxa kooxda Xisbullah ee wadanka Lebanon, Xasan Nasrallah.
Kooxdan ayaa sheegay in wada hadallada diiradda lagu saaraya soo jeedinnada la xiriira sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka Qaza.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan iyo madaxa Xisbullah ayaa dib u eegay waxyaabaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee ku soo kordhay Bariga Dhexe si gaar ah Qaza iyo dhanka Lebanon.