Wasiirka jinsiyadda ee dalka oo maanta kulan la qaadan doonto haweenka

0
347

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa ayaa maanta shir la yeelan doonto haweenka.
Kulanka maanta ayaa horudhac u ah mid sanadla ah oo 6-da ilaa 17-ka bisha Saddexaad ee sanadkan lagu qaban doono magaalada New York ee Maraykanka.
Shirkan oo loo yaqaano CSW ayaa diiradda lagu saaraa hoggaanka dumarka , sinnaanta jinsiyadeed iyo awoodsiinta haweenka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu ballan qaaday in maamulkiisa uu dhaqangelin doono xeerka isku dheeli tirka jinsiga .