Wasiirka isgaarsiinta oo furay shir ku saabsan hoggaanka iyo maamulka

0
198

Wasiirka wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka Eliud Owalo ayaa si rasmi ah u furay meertada 14-aad ee shir sanadla ah.
Kulankan ayaa ku saabsan arrimaha hoggaanka iyo maamulka la xiriira tiknolojiyadda isgaarsiinta ee ICT-da.
Waxaa uu daneeyayaasha waaxdan ku boorriyay inay dowladda garab ku siiyaan wax ka qabashada caqabadaha ka soo kordhay adeegsiga garaadka macmalka ee loo yaqaano Artificial Intelligence (AI).
Wasiir Owalo ayaa shirka uu furay ku tilmaamay madal ay khuburrada Kenya iyo si guud qaaradda Afrika ku wadaagayaan siyaabaha ugu wanaagsan ee lagula tacaalo khatarrada dhanka tiknolojiyadda.