Wasiirka wasaaradda horumarinta iskaashatooyinka ee dalka Mr. Simon Chelugui ayaa sheegay in ururrada maalgashi iyo ganacsiyada yaryar ay kaalin wayn ka qaataan kobaca dhaqaale ee wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in iskaashatooyinka ka diiwaangashan gudaha Kenya ay hadda leyihiin keyd lacageed oo dhan hal tiriliyoon oo shilin.
Chelugui ayaa hadalkan jeediyay ka dib markii uu heshiis la saxiixday golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG.
Simon Chelugui ayaa doonaya in guddoomiyaasha ismaamullada ay ganacsatada yaryar siiyaan jawi deggan oo ay si wayn uga qayb qaadan karaan kobaca dhaqaale ee dalka.
Wasiirka ayaa laga soo xigtay in dakhliga soo galo iskaashatooyinka dalka uu kordhay ilaa 70.9 bilyan oo shilin.