Wasiirkii hore ee wasaaradda cayaaraha ee dalka Rashid Echesa ayaa loo magacaabay guddoomiyaha golaha qaran ee badbaadada shaqada iyo caafimaadka ee waddanka.
Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr.Alfred Mutua ayaa magacaabistan shaaca kaga qaaday wargeyska rasmiga ee dowladda.
Echesa oo soo noqday guddoomiyihii wakaaladda biyaha ee dalka ayaa waxaa uu beddellaya xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Bura ee ismaamulka Tana River Cali Wario oo magacaabistiisa meesha laga saaray.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka William Ruto ayaa taliyihii hore ee ciidanka cirka ee waddanka Janeraal Jofidha Otieno Makowenga u magacaabay guddoomiyaha guddiga sare ee hay’adda hawada ee Kenya.
Waxaa sidoo kale guddiga hawada sare ee dalka xubin ka noqonaya Munanie Mbatha, Mwango Kitsao Kalu iyo Philip Osano.
Shakhsiyaadkan oo uu madaxwynaha soo magacaabay ayaa shaqeyn doono muddo saddex sano.