Wasiirka ganacsiga oo faahfaahiyay arrin uu dhawaan ka hadlay

0
303

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga ee dalka Moses Kuria ayaa difaacay qoraal uu maalmo ka hor soo saaray kaasoo si wayn loo hadal hayay.
Kuria ayaa xusay in kenyaanka laga doonaya inay isu diyaariyaan in qiimaha shidaalka uu sii kordhi doono ilaa iyo bisha 2-aad ee sanadka soo socdo.
Kenyaanka ayaa qoraalka wasiirka ku tilmaamay mid lagu jeesjeesaya xaaladaha adag ee nololeed ee ay shacabka wajahayaan.
Hasa ahaate waxaa uu tilmaamay inuu keliya muujinayay mas’uuliyadda ka saaran inuu dadweynaha wargeliyo isagoo cuskanaya xaqiiqooyinka jira.
Wasiirka ayaa sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka iyo in la filaya inuu sii kordho u aaneeyay saameynta isbeddelka cimillada ee caalamka.
Waxaa uu mar kale Moses Kuria sheegay in shidaalka nooca batroolka halkii liitar lagu iibin doono 260 shilin marka la gaaro bisha labaad ee sanadka 2024-ka.