Wasiirka gaashaandhigga ee dalka oo ka hadlay la dagaallanka shiishadda

0
248

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa dareenkiisa ku biiriyey howlgal ay saraakiisha maamulka NACADA ka sameeyeen goob lagu caweeyo oo ku taalla xaafadda Lavington ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu wasiir Ducaale sheegay in ay qasab tahay in qoysaska laga badbaadiyo saameynta isticmaalka maandooriyaha.
Ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in milkiilaha goobta lagu caweeyo ee Kettle House Bar ay tahay siyaasiyad ka tirsan xisbiga UDA ayuu wasiirka difaaca hoosta ka xarriiqay in taasi aynan ku badbaadi karin.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in cid kasta oo leh goob shiishadda lagu isticmaalo ama looga ganacsado ay qasab tahay in laga qaado tallaabo sharciyeed iyadoo aan la eegayn mansabka uu qofkaasi ku dhex leeyahay bulshada ama saameyntiisa siyaasadeed.
Wasiirka ayaa dhanka kale cambaareeyay weerarkii lagu qaaday saraakiisha ammaanka, howlwadeennada maamulka NACADA iyo wariyaal tabinayay howlgal halkaasi laga fulinayay.
Waxaa uu falkaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah, badowtinnimo sidoo kalena anshax xumo ah.