Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in Kenya ay go’aansatay in saraakiisha shisheeye ee gudaha wadanka ka gaysta xadgudubyada in halkan lagu maxkamadeeyo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in guddiga baarlamaanka ee difaaca, sirdoonka iyo arrimaha dibadda uu hadda wado baaritaano ka dhan ah ciidamada boqortooyada Ingiriiska uga sugan Kenya gaar ahaan qaybtooda tababarrada ee BATUK.
Wasiirka oo xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in guddiga uu warbixintiisa la wadaagi doono baarlamaanka oo qaraar soo saaraya xilligaasina ay wasaaradda difaaca oo kaashanaysa waaxda gaashaandhigga ee Ingiriiska ay tallaabo qaadi doonto.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in marka la soo gabagabeeyo baaritaannada lagu sameynaya shilkii diyaaradeed ee ay ku geeriyoodeen saraakiishi uu ka midka ahaa taliyihii guud ee ciidamada difaaca ee KDF-ta General Francis Ogolla in warbixintaasi si fagaare ah dadweynaha loola wadaagi doono.