Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre ayaa la kulmay madaxweynaha wadanka Masar Abdel Fattah El-Sisi.
Waxaa uu la wadaagay farriin uu uga siday madaxweyne William Ruto.
Ruto ayaa farriintaasi ku sheegay in Kenya ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka adag ee ka dhexeeya labada waddan.
Madaxweyne El-Sisi ayaa dhankiisa sheegay in Masar ay ku faanaysa xiriirka soo jireenka ee ay la leedahay Kenya.