Wasiirka gaadiidka oo doonaya in si buuxda loo raaco xeerarka COVID19

0
440

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka James Macharia ayaa kenyaanka ugu baaqay inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka lagu xakameynayo faafidda cudurka COVID-19 .
Waxaa uu dhanka kale gaadiidleyda ka codsaday inay ilaaliyaan nidaamyadan si rakaabka uunan ugu dhex fidin caabuqa corona.
Mr. Macharia ayaa ku celceliyay in sida keliya ee looga adkaan karo cudurka ay tahay in cid kasta ay mas’uuliyad shakhsiyeed iska saarto badbaadinta nolosheeda.