Wasiirka gaadiidka oo dib u habeyn ku sameeyay maamulka NTSA

0
355

Wasiirka wasaaradda gaadiidka , waddooyinka iyo howlaha guud ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa dib u habeyn ku sameeyay guddiga maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA).
Waxaa uu meesha ka saaray magacaabid uu sameeyay wasiirkii ka horreeyay .
Agaasimayaasha cusub ee uu guddiga maamulo NTSA u magacaabay wasiirka gaadiidka ayaa kala ah Nimco Cumar Xaaji ,Carol Oduor,Richard Munya,Simon Kalekem, Ephraim Karimi Macharia iyo Charles Nyabuti.
Agaasimayaashan ayaa shaqeyn doono muddo saddex sano ah.
Maamulka NTSA ayaa soo jeediya sidoo kalena ka tala bixiya dejinta xeerarka waaxda gaadiidka, miisaaniyadda iyo dhaqangelinta qorshayaasha la ansixiyo.
Sidoo kale maamulkan ayaa soo saaro istaraatiijiyooyinka lagu yareeyo shilalka waddooyinka waxaa uuna sidoo kale kormeer ku sameeya tayada baabuurta.