Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa kenyaanka isticmaalaya waddooyinka kala duwan ku boorriyay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan maadaama ay weli da’ayaan roobab culus.
Murkomen ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu waalidiinta ka codsaday in ay aad u feejignaadaan marka ay carruurtooda dib ugu celinayaan dugsiyada.
Waxaa uu ka digay in la fududeysto saameynta daadadka ay ku burbureen kaabayaal muhiim ah.
Wadayaasha gaadiidka ayuu ka codsaday in ay sidoo kale taxadaraan oo aynan isku dayin in ay baabuurta ku dhex kaxeeyaan meelaha ay biyaha ku badan yihiin.
Onesmus Kipchumba Murkomen, wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka ayaa dhanka kale maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) iyo booliiska kula taliyay in ay xoojiyaan dhaqangelinta amarrada taraafikada.
Wadayaasha baabuurta ayuu uga digay in ay qaadaan rakaab xad dhaaf ah isagoo dadweynaha ka codsaday in ay soo gudbiyaan warbixinnada la xiriira baabuurta loo wado si khatar gelinaysa noloshooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhimashada guud ee ka dhalatay roobabka iyo daadadka ka dhashay ee gudaha wadanka ay gaartay 92 ruux ka dib markii la diiwaangeliyay in ay dhinteen 9 ruux oo dheeraad ah.
Saddex dhimasho ayaa laga soo tabiyay ismaamulka Garissa, Saddex kale waa ismaamulka Homa Bay, hal dhimasho deegaanka Mathare ee ismaamulka Nairobi, Bomet oo hal ah iyo dhimasho kale oo dhanka Kirinyaga ah.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ayaa dhawaan sheegtay in doon sidday dad badan ay ku gadoontay aagga Kona Punda xilli ay ku wajahnayd tuulada Mororo ee ismaamulka Tana River halkaasi oo laga soo badbaadiyay 23 qof iyadoo la la’yahay 23!kale.
Waxay daadadka saameeyen qoysas gaaraya 37,595 .
Waxaa daadadka ku dhintay xoolo dhan 5,774 iyadoo uu burburay dhul beereed dhan 32,712 eekar.